Jaamacadda Green Hope, oo horaba loogu ogaa inay af Soomaaliga hiil u tahay ayaa xalay si weyn uga soo dhex muuqatay;

Jaamacadda Green Hope, oo horaba loogu ogaa inay af Soomaaliga hiil u tahay ayaa xalay si weyn uga soo dhex muuqatay; munaasabad lagu soo bandhigay buugga Taariikhda Qorista iyo Horumarinta Af Soomaaliga laguna sagooriyayay ardayda hormadii labaad ee ay jaamacadda iyo Dhaxalreeb iska kaashadeen. Jaamacaddu waxay dhawrtaa, oo ay dhuddaa horumarinta afkeenna hooyo. Maamulaha Jaamacadda Dr. Mustaf Macallin Cabdille ayaa si mug iyo miisaan leh ugu nuuxnuuxsaday, horumarinta aqoontu inay ku xirantahay, horumarinta afka iyo dhaqanka.

Leave a Reply