kulliyadda af Soomaaliga iyo suugaantiisa

Toddobadii bisha Dirircawleed (Juun) 2023, ayaa waxa xaflad si weyn loo soo agaasimay lagu qabtay: masraxa Tiyeetarka qaranka. Munaasabaddan oo daarranayd qalinjebinta hormadii koowaad ee af Soomaaliga iyo suugaantiisa, hormadii shanaad ee heerka labaad ee waxbarashada sare iyo hormadii kow iyo tobnaad ee waxbarashada heerka koowaad. Munaasabaddan waxa si isle’eg ugu dabaal degay ardaydii ka kala socotay labada jaamacadood ee ku mataanoobay waxbarashada sare waa: Green Hope iyo kesmonds. Labadan jaamacadood waxay ku hawllanyihiin, turxaanbixinta iyo tayaynta waxbarashada dalka.

Sidii aad horaba ugaga barateen hal-abuurka kulliyadaha cusub ayay jaamacadda Green Hope ka midha dhalisay kulliyadda af Soomaaliga iyo suugaantiisa. Jaamacaddu waxay ummadda Soomaaliyeed u ballanqaadaysaa inay maslaxadda dadka iyo dalkaba ka shaqayn doonto. Taasoo ay ka dhalato inay kulliyadaha dalka ka maqan kolba mid soo kordhiyaan.

Haddaba akhristow jaamacadda Green Hope waxay 17 sano ku hawllanayd dadaalka bulshada iyo tayaynta waxbarashada sare. Jaamacaddan oo aad ka helayso macallimiin khibrad dheeraad ah u leh maaddooyinka ay dhigaan iyo susun fadhida oo aan kollaba guurguurin. Kulliyadaha jaamacaddu ay bixiso waxa u mudan kuwan soo socda:

 Kulliyadaha afafka

 Kulliyadaha amniga

 Kulliyadaha caafimaadka

 Kulliyadaha teknoolojiyadda

 Kulliyadaha maamulka iyo dhaqaalaha

 Kulliyadaha degaanka iyo beeraha

 Kulliyadaha farsamada

Jaamacaddu, sannadkan waxay xoogga saaraysaa: itus oo itaabsii (Practicle) in waxbarashada lagu dabakho shaqo la qabanayo. Jaamacaddu, waxa kale oo ay horumarisay hannaanka cilmibaadhista oo aad ka heli doontaan kasmo bulshadeenna kaalin wanaagsan ka gasha.

Ugu danbayntii jaamacadahan isku sidkan ee Green Hope iyo Kesmonds waa kuwo bulshada u dhega nugul oo baahidooda ka falceliya. Ku soo dhowow tayo, tilmaan iyo tusaale togan.

Aqoontaada kobci, karaari oo dabadeed kifaax. Maantaba ku soo biir bahda jaamacaddaha bulshada ee Green Hope iyo Kesmonds.

Wixii faahfaahin dheeraad ah adoo raalli ah kala xidhiidh https://www.greenhopeuniversity.edu.so/

Leave a Reply