Maamulka iyo macalimiinta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Green Hope University – Branch of Beledweyne ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlayay diyaar garowga iyo qorshaha furitaanka simistarka 2aad ee sanad waxbarasheedka 2025–2026.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray:
Hagaajinta tayada waxbarashada Jaamacadda,
Xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulka iyo macalimiinta,
Ka hortagga caqabadaha suuragalka ah inta uu socdo simistarkaan.
Ugu dambeyn, kulanku wuxuu ku soo dhammaaday go’aanno wax ku ool ah oo lagu horumarinayo habsami u socodka waxbarashada Jaamacadda.



